Saturday, July 27, 2024

Dab khasaare geystay oo ka kacay suuqa Wajeer

Wajeer (Dawan)- Dab xooggan ayaa baabi’yay qeybo ka mid ah suuq weyn oo ku yaal magaalada Wajeer fiidnimadii xalay.

Dabka ayaa abaara 10:30 habeenino xalay ka kacay suuqa ganacsiga magaalada Wajeer gaar ahaan aagga loo yaqaano Il-magaalo, isaga oo geystay Khasaare hantiyadeed.

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamay in ay gubteen dukaamo lagu iibin jira dharka iyo cuntada nuucyadooda kala duwan, Bakhaaro iy gooba kale oo ganacsi.

Dab damisyo ay soo direen shirkado gaar ah iyo ganacsatada qaarkood oo is xilqaamay ayaa saacado kadib ku guuleystay in ay damiyaan Dabka, inkasa oo Ilaah keenay roob yareey khasaarihii uu geysan lahaa Dabka xalay qabsaday Suuqa Wajeer oo ahaa mid aad u xooggan.

Ganacsatada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeyay laamaha dowladda iyo mas’uuliyiinta in ay ka gaabiyeen waajibaadkii ka saarna badbaadinta hantida dadweynaha.

“Caawa waxaa magaalada ka dhacay masiibo aad u weyn, waxaa gubtay suuqii Il-magaalo waxaana ku hanti beelay dad badan kuwaas oo ganacsiyo kala duwan ku lahaa magaalada. Waxaa nasiib darro ah in iyada oo dabku sidaan u ballaaranyahay in aysan jirin cid mas’uul ah oo soo gaartay goobta” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada oo warbaahinta la hadlay inti lagu howlaana daminta Dabka.

Faadumo Aadan oo ka mid ah ganacsatada Suuqa waxa ay is weyydiisay sababta loo waayo madaxda xilliyada ay jirto dhibaatada, balse la arko xilliyada doorashada oo kaliya.

“Aaween dadkii aan dooranay, mey wax ka qabtaan dhibaatada dadka heysata, ma waxa ay noo imaanyaan oo kaliya xilliga doorshada la gaaro” ayay tiri ” Faadumo Aadan.

Ganacsatada iyo dadka deegaanka Wajeer ayaa walaac ballaaran ka muujiyay Khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay Dabka oo saaameyn ku yeelan doona nolosha dad badan, inkasta oo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacin khasaraaha ka dhashay Dabka.

Sannadkaan gudihiisa, suuqa Taiwan ee Jigjiga, suuqa Beledweyne, suuqa magaalada Jowhar, Suuqa Xamarweyne ee Muqdisho  iyo suuqyo kale ayaa dab ka kacay mana jiro baaritaano la xiriirka sababta ka dambeysay oo loo soo bandhigay bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here