Saturday, July 27, 2024

Kenya oo koronto la’aan ah in ka badan 10 saacadood

Nairobi (Dawan)- Dadka kenaya ayaa kusoo toosay subaxnimadii maanta oo Sabti ah koronto la’aan kadib markii ay xalay cellad ku timid shirkadda korontada ee dalkaas taas oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo goobaha muhiimka sida ah isbitaalada, garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada dowladda.

Wasiirka Gaadiidka ee Kenya Kipchumba Murkumen ayaa raali gelin ka bxiyay koronta la’aanta ka dhacday dalkaas, isaga oo ku tilmaamay cellada ku timid korontada wax aan loo dulqaadan karin.

Runtii aad ayaan uga xumahay waxa dhacay, lagama cudur daran karo, mana jirto sabab uu garoonka diyaaradaha mugdi u galo” ayuu yiri, wasiirka Gaadiidka Kenya.

Koronto la’aantaan ayaa kusoo beegmeysa, xilli ay Kenya isu diyaarineyso marti gelinta shirkii ugu horeeyay ee Cimilada Afrika, iyadoona ajandaha looga hadlaayo shirka ay ku jirto muhiimadda korontada.

Abaaro 3-dii aroornimo ayay shirkadda korontada ee Kenya Power sheegtay in korontadii dib loogu soo celiyay garoonka diyaaradaha  ee caasimadda Nairobi iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Saddex  ka mid ah isbitaallada ugu waaweyn Nairobi ayaa warbaahinta u sheegay inay weli isticmaalayaan matoorada keydaka ah, kadib markii ay shirkadda korontadu sheegtay in dib loo soo celiayay korontada, waxeyna intaas raaciyeen in korontadu ka maqantahay in ka badan 10 saacadood.

Dalxiiska ayaa  muhiim u ah  dhaqaalaha Kenya, waxaana baraha bulshada lagu faafiyay dad badan oo ku xayiran garoonka diyaaradaha ee Nairobi.

Dadka  Kenyaanka ah oo markii horeba la daalaa dhacayay qiimaha sare ee maciishadda ayaa ku soo toosay saakay cuntadii ku jirtay fariijyada oo xumaatay.

Bishii May sidaan oo kale korontada ayaa ka go’day dalka oo idil, waxaana lagu eedeyay shirkadaha korontada maamul xumo iyo inay dalka gelinayaan xaalad khatar ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here