Monday, May 20, 2024

Soomaaliya iyo Q M oo kawada hadlay in la baahiyo adeegga Garsoorka

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay xarunta wasaaradda Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Raisedon Zenenga

“Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay gacansiinta Qaramada Midoobay ee bahda caddaaladda Soomaaliya, taageerada fidinta adeegga cadaaladda, gaarsiinta adeeg caddaaladeed deegaannada dhawaan la xoreeyay iyo hannaanka dhamaystika Dastuurka” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Wasiirka ayaa booqashada uga mahadceliyay Ku-xigeenka Ergayga, kuna soo dhaweeyay Soomaaliya iyo shaqada cusub ee uu dalka ka bilaabay.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay ka go’naanshaha xukuumadda ee hirgelinta hannaanka doorashooyinka, si shacabka Soomaaliyeed u doorto madaxdiisa, wuxuuna ballan qaaday in mudnaan gaar ah la siinayo kobcinta awoodda bahda caddaaladda dalka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa horaantii sannadkan usoo magacaabay Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe inuu noqdo ku-xigeenka cusub ee Ergayga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Zenenga ayaa buuxiyay booski ay banneysay Anita Kiki Gbeho oo kasoo jeeday Ghana loona wareejiyay bishii December 2023 Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan.

Zenenga ayaa khibrad dheer u leh arrimaha bini aadatinimada isaga oo kasoo shaqeeyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Liberia, Libya, Iraq-Kuwait, Sierra Leone, Soomaaliyaa iyo Koonfurta Suudaan, wuxuuna hore u ahaa diblomaasi sare.

Zenenga ayaa sii wadi doona hoggaaminta xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya inta laga soo magacaabayo Madaxa xafiiska maadaama  Catriona Laing soo gaba-gabeysay shaqadii diblomaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here