Saturday, July 27, 2024

Deg-deg: Soomaaliya oo ku biirtay Bulshada Bariga Africa

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa loo oggolaaday in ay ka mid noqoto ururka Bulshada Bariga Africa, iyada oo noqoneysa dalkii sideedaad oo ka mid noqda ururka.

ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Africa ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo shir madaxeedka 23-aad ee madaxda EAC, kaas oo berri ka furmaya magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, sida uu xaqiijiyay Maxamed Dubo oo ah Agaasimaha Xafiiska Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed ee Wasaaradda Qorsheynta.  

Ajendayaasha waaweyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ka mid ahaa in ay Soomaaliya ku biirto Bulshada Bariga Africa, isaga oo Cabdisalaam Cumar Hadliye u magacaabay Ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan ururka.

Bishii July ee sannadkaan Madaxweyne Xasan ayaa lagu marti qaaday Shir Madaxeedkii EAC ee lagu qabtey magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, isaga oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxdii dalalkaan si uu ugu qanciyo in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Bishii January ee sannadkaan waxa magalaada Muqdisho booqasho ku yimid wafdi ka socday EAC kaas oo qiimeyn ku sameynayay dhinacyada amniga, wax soo saarka, ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Shirkii ka dhacay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, waxaa lagu ansixyay warbixintii ay soo gudbiyeen Guddigii booqshada ku yimid Muqdisho, waxaana loo gudbiyay xoghaynta ururka si ay u dhamastirto habraacyadii ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biiri lahayd ururka.

Bulshada Bariga Afrika waa urur goboleed dhidibada loo taagay sannadkii 2000 ayna ku mideysan yihiin (hadda) todobo waddan oo ku yaal gobolka leh harooyinka waaweyn ee Bariga Afrika, kuwaas oo kala ah Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Uganda, iyo Jamhuuriyadda Kongo, waxaana xarun u ah magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalalka ku bahoobay Ururka EAC ayaa iska kaashada dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka, waxeyna mustaqbalka dhaw qorsheynayaan in ay yeehsaan lacag mideysan sidoo kalena badeecadaha ay soos aaraan iyo muwaadiniintooduba in ay isaga gooshaan dhammaan dalalkaan iyada oo aan lagu xirin shuruudo adag.

Soomaaliya ayaa ku biirin doonta ururka EAC xeebta ugu dheer Africa iyo ku dhawaad 20 milyan oo muwaadiniiteeda ah taas oo ka dhigi doonta bulshada ku mideysan ururkaan in ay gaaraan ku dhawaad 320 milyan oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here