Saturday, July 27, 2024

Kenya oo qiratay in aysan awood u lahayn wax ka qabashada fatahaadaha

Nairobi (Dawan)- Wasiirka Wadooyinka iyo Gaadiidka ee Kenya, Onesimus Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in dowladdu aysan waxba ka qaban karin furitaanka iyo dayactirka waddooyinka Waqooyi-Bari oo ay fatahaaduhu jareen xilli uu ka jawaabaay su’aalo ay weydiiyeen Baalamaanka oo ku saabsanaa sida ay wasaaraddu uga falcelisay dhibaatooyinka ka dhashay roobabka.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in roobab mahiigaan ah ay ka da’een deegaanada Waqooyi-Bari, kadibna ay saameyn ku yeesheen nolosha dadka iyo isu socodka magaalooyinka.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay in Waddooyinka isku xirta Gaarisa iyo Wajeer, Nuno-Madoogashe, wadada ka baxda Wajeer ee aada Mandheera, wadada Tana River ee sii marta magaalada Hola in ay fatahaadu jareen, taas oo keentay in la isaga gudbi waayo magaalooyinka.

Onesimus Kipchumba ayaa qiray in wasaaraddiisu aysan waxba ka qaban karin saameynta ka dhalatay fatahaada maadaama weli ay socdaan roobab xooggan.

Gobollada Waqooyi-Bari ee Kenya waxaa si weyn u saameeyay fatahaadda iyadoo waddooyinka ay noqdeen kuwo aan la mari karin in ka badan afar toddobaad, taas oo hakad gelisay badeecadihii isaga gooshi jiray Gobolladaan iyo Gobollada kale.

Ismaamulada Wajeer iyo Mandheera ayaa koronto la’aan xoogan ay soo food saartay kadib markii shirkadda Korontada Kenya ee KPLC ay soo wajahday shidaal yari.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Kenya, roobabka mahiigaanka ah ee billowday October, ayaa dilay in ka badan 65 qof, waxeyna saameeyn kasoo gaartay in ka badan 100,000 oo kale, iyadoo tobanaan kun ay ku barakaceen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here