Saturday, July 27, 2024

Dhimasho iyo dhaawac ka dhasahy Miino la kacday gaari kusii jeeday Wajeer

Wajeer (Dawan)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday halka seddex kale ay ku dhaawacmeen kadib markii Miino kula kacday gaari dadweyne deegaanka Qurqura ee u dhaxeeya Alungu iyo Ceelwaaq.

Qofka dhintay ayaa ahaa darawalkii gaariga halka seddexda ku dhaawacantay ay ahaayen dad rayid ah kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera.

Gaarigaan ay la kacday Miinada lagu aasay waddada ayaa kusii jeeday Wajeer, sida ay sheegeen dadka rakaabka ahaa.

Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa u digay shakhsiyaadka gacan saarka la leh kooxaha argagixisada, wuxuuna caddeyay in ay socdaan  howlgallo sirdoon iyo daba gal lagu hayo dadka Al-shabaab ka caaawiya dhanka gaadiidka iyo agabayada kale.

Al-shabaab waxaa xarun u ah Jilib oo Soomaaliya ku taal, mana ahan suurta gal in qof halkaas ka yimaado kadibna ka geysto dhibaato halkaan, isaga oo aan helin qof deegaanka ah oo gacan siiya” ayuu yiri wasiir Ducaale.

Wasiirka ayaa sheegay in laamaha amnigu kor u qaadi doonaan shaqadooda si looga hortago falalka wax u dhimaya amniga iyo muwaadiniinta Keya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here