Saturday, July 27, 2024

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax xooggan oo ka dhacay Beledweyne

Hiiraan (Dawan)- Ugu yaraan 20 qof oo u badan dad rayid ah ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badana dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo  maanta ka dhaxay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Gaari walxaha qarxa laga sooo buuxiyay ayaa ku qarxay barta kontoroolka Horseed oo ku taalla xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana burbur xooggan soo gaaray  dhismayaal badan oo isagu jira goobo ganacsi iyo guryo deegaan ah.

Dhowr asgari, saraakiil ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwa nabad sugidda gobolka ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa, sida ay xaqiijiyeen Maamulka iyo Booliiska magaalada.

 Guddomiyaha magaalada Beledweyne, Cumar Cusmaan Calasoow ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay heleen xog hordhac ah oo ku aaddan weerarro dhici kara, balse qaraxu dhacay inta lagu guda jiray baaritaanada amni.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxaan maanta ka dhacay Beledweyne.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxa argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Beledweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan guud ahaan dadkeenna. Masaajiddii ayey duminayaan, culimadii dadka diinta bareysay ayey dilayaan, haldoorka bulshada ayey dilayaan. Waa nimanka qaraxa ku burburiyey maanta masaajidka Baledweyne shalayna Masaajidkii Daaru-nicma.Nimanka noocaas ah bal maxay noo reebteen.” ayaa yiri, Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo qoyasaskii ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay qaraxii lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo asgartii ku sugneyd  barta Koontorool.

Qoraal lasoo dhigay barta facebook ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri “ Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Qaraxa Beledweyne ka dhacay fal argagixiso oo fuleynimo ah oo Khawaarijtu ku baabi’inayaan shacabka, markii looga soo adkaaday furimaha dagaalka, isagoo intaa raaciyay in sababta ay u bartilmaameedsanayaan magaalada Beledweyne ay tahay inay ku suntantahay dabargooynta Khawaarijta”.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa dibadda ku maqan, waxaana la isweydiinaya tillaabada xigta ee ay qaadi doonaan marka laga soo tago tacsida ay shacabka la wadaageen

Inkasta oo aysan jirin cid sheegtay in ay ka dambeyso qaraxa, hadana madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku eedeyay Al-shabaab in ay k da dambeeyaan qaraxa nuucaan ah.

Qaraxaan ayaa ku soo aaday xilli ciidamada dowladda ay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda  Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo toddobaad ka hor gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, si uu u dardargeliyo dadaallada lagu doonayo in ciidamadu kula wareegaan deegaanada weli ku jira gacanta Al-shabaab .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here