Saturday, July 27, 2024

Yoweri Museveni: Ma taageereyno in Somaliland ka go’do Soomaaliya

Kampala (Dawan)- Madaxweynaha Uganda,  Yoweri Kaguta Museveni ayaa caddeeyay mowqifka dolwaddiisu ka qabto qorshaha Somaliland ku dooneyso in ay uga go’do Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay arrintaas wax khalad ah.

“Ma taageereyno in Somaliland ka go’do Soomaaliya, maxaa yeelay waa khalad Istiraatiiji ah” ayuu yiri, Museveni

Hadalkaan ayuu yiri, Museveni kadib markii uu kulan la qaatay Jaamac Muuse Jaamac oo ah ergay ka socda Somaliland.

Yoweri Museveni ayaa kula dardaarmay  Soomaaliya iyo  Somaliland inay qaataan siyaasadda ku dhisan danta guud,  haddii ay dalkooda la doonayaan horumar iyo barwaaqo.

Madaxweynaha Uganda ayaa ballan qaaday inuu diyaar u yahay inuu kaalin ka qaato fududeynta heshiis dhex mara labada dhinac, si xal looga gaaro khilaafka iyo gooni isu taagga Somaliland ee soo jiitamayay 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale,  Yoweri K Museveni ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay in ay  xiriir ganacsi la sameeyso Somaliland, isaga oo yiri “Waan idinka iibsaneynaa wixi aanan haysanin, idinkuna waad naga iibsan kartaan wixi aad u baahataan haddii aynu hayno”.

Dowladaha Geeska Afrika ayaa la tacaamula Somaliland inkasta oo aysan si rasmi ah ugu aqoonsanin dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here