Saturday, July 27, 2024

Kenya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiisyo ganacsi

Nairobi (Dawan)- Dowladaha Kenya iyo Indonesia ayaa kala saxiixday heshiisyo ganacsi oo la xiriira dhanka macdanta, tamarta, gaaska iyo beeraha.

Madaxweynaha Kenya  William Ruto ayaa  sheegay mar uu Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi ku qaabilay dhiggiisa Indonesia Joko Widodo, in heshiisyadaan looga gol-leeyahay xoojinta iskaashiga ganacsi iyo horumarinta maalgashiga labada dal.

Aniga iyo Madaxweyne Widodo waxa aanu yeelanay wada xaajood laba geesood ah, kaas oo aanu ka wada hadalnay arrimo kala duwan, isla markaana aanu qorsheynay dhinacyada iskaashiga ah ee mudnaanta leh” ayuu yiri madaxweyne Ruto.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga dhanka tacliinta sare, waxbarashada aasaasiga ah, iyo horumarinta caafimaadka.

 Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo, ayaa ka mahad celiayay soo dhaweynta diirran ee uu kala kulmay dhiggiisa Kenya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in heshiisyadaan kor u qaadi doonaan iskaashiga ganacsi ee ka dhaxeyaa labda dal.

Madaxweyne Widodo ayaa xusay in labda shacab ay ka faa’iidi doonaan kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya Kenya iyo Indonesia, wuxuuna ballan qaaday inay Kenya ka caawin doonaan ganacsig iyo maalgashiga .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here