Saturday, July 27, 2024

Ganacsatada DDS oo loogu baaqay in ay caawiyaan dadka danyarta ah

Jig-jiga (Dawan)- Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in loo baahanyahay in ganacsatada iyo maalgashadayaashuba xil iska saaraan caawinta dadka danyarta ah kuwaas oo u baahan taageero dhanka nolsha ah.

Mustafe Muxumad Cumar ayaa hadalkaan ka jeediyay, mar uu ka qayb-galay dhagax-dhigga guryo wadareedyo, loogu talogalay dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Konbocha.

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa caddeeyay in sida lagu gaari karo horumarka ay tahay in ay iskaashadaan dowladda iyo ganacsatada, iyada oo la eegayo dhinacyada ugu muhiimsan nolosha muwaadiniinta.

Baaqa Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli ay fatahaadaha ka dhashay roobka Dayrta ay saameeyn ku yeesheen kumanaan qoys oo ku nool Goballada kala duwan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa weli wada dadaalo lagu garab istaagayo bulshada ay fatahaadu saameeyeen , iyada oo la gaarsiiyay gargaar kala duwan ee sida raashinka jilcsan, daawada caafimaadka, daawada biyaha, bustayaal, shiraacyo iyo maro kaneecooyin.

Sidoo kale caawimaaddaan ayaa waxaa barbar socda badbaadinta qoysaska ku xaniban biyaha.

Xukuumada ayaa sidoo kale gurmad iyo taakulayn ka wada dhamaan Goobahii aay saameeyeen Fatahaada wabiyada sida degmoyinka Jarati iyo Dollow Addo ee gobolada Afdheer iyo Liibaan.

Ganacsatada iyo Qurba-jooga Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa dardargeliyay waayadii ugu dambeeyay maalgashiga deegaanka iyo in ay ka qeyb qaataan shaqo abuurka kumanaan qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here