Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Qatar oo kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobalka

Doxa (Dawan)- Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna Wasiiru Dowlaha Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar oo booqasho ku jooga Doxa ayaa la kulmay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Dr. Maxamed bin Cabdicasiis bin Saalex.

Kulanka Labada Mas’uul ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la isla soo qaaday dhowr qodob oo caalami ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Qatar.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa caddeeyay in ay taageerayaan dadaallada lagu horumarinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo sidii loo gaarsiin lahaa horumar iyo barwaaqo dadka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa billaawday dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed kadib markii lagu dhawaaqay heshiiskii Badda ee dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishaan january.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here