Friday, July 26, 2024

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala galay Itoobiya iyo Turkiga

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladaha Itoobiya iyo Turkiga.

“Heshiisyada goluhu ansixiyey ee ay galeen ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare” ayaa lagu yiri qaraal lala wadaaagay warbaahinta kadib kulanii Khamiislaha ee Golaha wasiirada.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in sidoo kale Golaha Wasiiradu ansixiyey soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowladda.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here