Saturday, July 27, 2024

Maxay kawada hadleen Xamsa iyo safiirka Midowga Yurub?

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson, waxeyna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska xukuumadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Danjire Johansson ay ballan qaaday in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-shabaab.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo dib u yagleelidda hay’adaha kala duwan ee dowladda.

 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Karin Johansson, bishii September ee lasoo dhaafay, waxeyna kulamo kala duwan la yeelaneysaa madaxda kala duwan ee Soomaalida si ay u dardargeliso howlaheeda shaqo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here