Saturday, July 27, 2024

Horumarinta magaalooyinka DDS oo heer laga gaaray

Jig-jiga (Dawan)- Madaxwaynaha dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar ayaa qoraal uu dhawaan qoray ku sheegay in xukuumaddiisu billaawaday shan sano ka hor qorshaha lagu hormarinayo magaalooyinka iyada oo la qaatay in loo maro ka mira dhalinta qorshahaas laba waji.

1) in magaalooyinka jira la horumariyo iyo 2) in laga hortago abuurmida tuulooyin badan xoogana la saaro in tuulooyinka jira la magaaleeyo.

Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in deegaanka Soomaalida ay ka abuurmaan sannad walba tuulooyin yaryar oo dadkii miyiga ku noolaa ku soo ururayaan; tuulooyinkaas oo hordhac ah u magaalooyin abuurmi doona ama kuwa jira oo sii balaadhan doona.

“Dhinaca Magaalooyinka waxaa kor loo qaaday dhismaha jidadka laamiga ah, laydhka 24 saac ah, biyo-gelinta, iyo cagaarinta. Waxaa xoogga la saaray tayaynta iyo balaadhinta adeegyadda aasaasiga ah sida iskuuladda iyo xarumaha caafimaadka” ayuu yuri, Musafe.

Mustafe waxa uu tilmaamay in dhanka tuulooyinka, laga hortagay deegaameeynta cusub, waxaana degmooyinka lagu dhiiri-galiyay inay miisaaniyadooda xoogga saaraan xarumaha jira ee ayna u adeegsan inay tuulooyin cusub ku sameeyaan.

Waxaa socda dadaal lagu soo uruurin doono xarumaha jira si loo gaaro ujeeddada ah in dadku uruuraan oo ay sahlanaato in adeeg la gaarsiiyo, iyadoo aan laga tagayn ilaalinta dhulka ballaaran iyo maamul gaarsiinta meelaha xarumaha maamulku ka fog yihiin.

Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaa ka socday sannadihii lasoo dhaafay dadaallao lagu hormarinayo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyada oo ay kusoo laabteen deegaanka Qurba-joog dooneysa in ay maalgelin ka sameeyaan deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here