Saturday, July 27, 2024

In ka badan 600 oo qof oo ku dhimatay dhul-gariir ka dhacay Marooko

Marooko (Dawan)- Telefishanka Marooko oo soo xiganaya wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaas ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay dhul-gariirkii fiidnimadii Jimcada ku dhuftay dalkaasi ay gaartay 632 qof, halka ay ku dhaawacmeen 329 kale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo bayaan soo saartay ayaa sheegtay in dadka intooda badan ay ku dhinteen gobollada Al Haouz, Marrakesh, Ouarzazate, Azilal, Chichaoua iyo Taroudant.

Xarunta Cilmi-baarista Sayniska iyo Farsamada ee dalkaas ayaa sheegtay in  xoogga dhul-gariirku  gaaray 7 darajo cabbirka Richter.

Madaxa Machadka Geophysics-ka ee dalka Marooko  ayaa ku tilmaamay dhul-gariirkan kii ugu khasaraaha badnaa ee ka dhaca dalkaas muddo qarni ah.

Dhanka kale, Wakaalladda Wararka Marooko ayaa sheegtay in hay’adaha caafimaadku ugu  baaqeen muwaadiniinta inay ku deeqaan dhiig si loo badbaadiyo dadka ku dhaawacmay dhul-gariirka.

Dhul-gariirkaan ayaa sidoo kale sababay burburka guryo la degganyahay, masaajiddo iyo dhismayaal taariikhi ah oo ku yaal Koonfurta dalka Marooko.

Wasaaradda Arrima Gudaha dalkaas ayaa sheegtay in dowladdu dadaal badan ku bixineyso badbaadinta muwaadiniinta iyo wax u qabashada dadkii ku wax yeelloobay dhul-garaiirka, waxeyna ugu baaqday  muwaadiniinta inay  muujiyaan degganaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here