Sunday, September 8, 2024

Is-beddel lagu sameeyay Taliya ku xigeenka iyo Taliyaha ciidanka lugta

Dhuusamareeb (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa is beddel ku sameeyay Taliya ku xigeenka iyo Taliyaha ciidanka lugta xoogga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa maanta u magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dallacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku salleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri ” Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta”.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dayax Cabdi Cabdulle ayaa beddelaya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali oo loo magacabay Taliyaha Ciidanka Lugta bishii Juun ee lasoo dhaafay, halka Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh uu xilka kala wareegayo Cabaas Amiin oo in mudda ah ahaa Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Magacaabistaan cususb ayaa ku soo beegmeysa iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u joogo magaalada Dhuusamareeb sidii kooxda Al-shabaab looga saari lahaa deeganada ay ka joogaan Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay la wareegto deegaanada ku haray gacan ku heynta kooxda ay Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here