Saturday, July 27, 2024

Madaxweynaha Kenya oo ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka

New York (Dawan)- Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa ku baaqay in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku tilmaamay Golaha mid aan shaqeyn oo ku dhisan caddaalad darro.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Ruto, khudbaddii uu ka jeediyay kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Kenya ayaa carrabka ku adkeeyay  in loo baahanyahay in  caalamku yeesho hannaan awood u leh inuu si deg-deh ah wax uga qabto una xalliyo   xasaradaha caalamiga ah ee socda.

Ruto ayaa yiri “ Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa uu ku guuldarreystay xallinta arrima badan”

Ruto ayaa intaas ku daray in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu noqday mid aan loo dhameyn sidaas darteedna uu noqday Gole aan wax ka qaban karin dhibaatada ka jirta adduunka hadda la joogo.

Sannadihii la soo dhaafay, wadamada Afrika ayaa xusul duub ugu jiray sidii ay nidaamka dowliga ah uga u heli lahaayeen metelaad dhab ah, waxeyna xoojiyeen doonistooda ah in ay kursi joogta ah ka helaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay beesha caalamaka in ay u istaagto sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa nidaamka dowliga ah si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasiloonida caalamka .

Walaaca laga qabo dheeli tirnaanta la’aanta nidaamka dowliga ah ayaa soo badaneysay waaydii ugu dambeeysay, waxeyna in badan oo ka mid ah madaxda caalamku soo jeediyeen in wax laga qabto kalsooni xumida laga qabo nidaamka hadda jira.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa sheegay in dunidu maanta wajaheyso caqabado badan oo ay adagtahay in laga hortago.

António Guterres ayaa soo jeediyay in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo qaab dhismeedka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo sannadkaan halku dhig looga dhigay ” Dib u dhiska kalsoonida iyo xoojinta midnimada caalamka” ayaa looga doodaya dhwor qoodb oo ay ugu muhiimsanyihiin Horumarka waara, Abuurista fursado looga hortago dhibaatooyinka caalamka, wax ka qabshada isbeddelka cimilada iyo cudurada faafa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here