Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Itoobiya oo kawada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah

Addis Ababa (Dawan)- Wafdi heer sare ah uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Itoobiya, Marwo Sahle-Work Zewde.

Guddoomiye Dileita iyo wafdigisa ayaa booqasho qaadatay muddo afar maalin ah ku tegay dalka Itoobiya.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

“Wafdi uu hoggaaminayso Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita, ayaa booqasho ugu yimid Madaxweyne Sahle-Work Zewde, waxeyna ka wada hadleen xiriirka dhinacyada badan leh ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Itoobiya.

Dileita Maxamed Dileita ayaa mar soo noqday Safiirka Jabuuti u qaabilsan Itoobiya halka ay Marwo Sahle-Work Zewde, toban sano ahayd Safiirka Itoobiya ee dalka Jabuuti

Labada dhinac waxa ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida nabadda, xasilloonida, horumarka, ganacsiga, iyo maalgashiga.

Dhanka kale, Wafdiga ayaa booqday dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti ay ku leedahay dalka Itoobiya iyaga oo warbixin ka dhegeystay diblamaasiyiinta Jabuuti ee ku sugan dalka Itoobiya.

Jabuuti iyo Itoobiya waxa ka dhaxeeya xiriir iyo wax is-dhaafsi xooggan oo dhinacyada horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah .

Dowladda Itoobiya ayaa Dekedda Jabuuti kala soo degta waxyaabaha ay dibadda kasoo iibsato, waxaana xusid mudan in ay bishii November ee lasoo dhaafay kala soo degtay macdanta lagu bacrimiyo dhulka iyo beeraha oo gaareysa 2.3 milyan oo tan, si loo hormariyo wax soo saarka dalka .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here