Saturday, July 27, 2024

Wariye ka howl gala Radio Ergo oo Luuq lagu xiray

Gedo (Dawan)- Maamulka Radio Ergo ayaa sheegay in xaqiijiyay uga soo hadla gobolka Gedo ee lagu magacaabo Maxamuud Cadbirashiid Cabdi (Boodboode) lagu xiray magaalada Luuq ee gobolkaas.

Qoraal kasoo baxay maamulka Raadiyaha ayaa lagu sheegay in ciidamada degmada Luuq ay xireen wariyaha kadibna ay ku wareejiyeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka.

Ururka suxufiyiinta Jubbaland ayaa cambaareeyay xariga wariye Maxamuud Boodboode loogu gaystay magaalada Luuq ee gobolka Gedo.

“Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo sii daayo, waxaana maamulka Luuq ugu baaqeynaa in ay ilaaliyaan xoriyadda saxaafadda, ayna xaqiijiyaan ammaanka saxafiyiinta degmada” ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay ururka.

Sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ku baaqay in Maxamuud Cabdirashiid Cabdi uu dib u helo xorriyaddiisa si shuruud la’aan ah.

Ururku waxa uu sheegay in Maxamuud, oo ka howl gala Raadiyaha Ergo ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadantinimada in la xiray 1-dii April ka dib qoraal uu soo dhigay baraha bulshada kaas uu ku soo bandhigay dhaawac lagu eedeeyay in ay ciidamada degmada u geysteen laba nin oo ah kuwa ku shaqeysta moota bajaaj.

SJS oo soo xiganeysa dad ka ag dhaw wariyaha la xiray ayaa sheegtay in Maxamuud loogu hanjabay ciqaab adag ka dib qoraal uu soo dhigay Facebook, taas oo uu markii dambe keentay inuu tirtiro.

Sidoo kale Suxufiyiinta gobolka iyo tafaftiraha Raadiyo Ergo ayaa SJS u sheegay in hadda ay ka walaacsan yihiin xaaladda Maxamuud, maadaama qoyskiisa loo diiday inay arkaan.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda wariye Maxamuud C/rashiid Cabdi oo lagu haysto degmada Luuq ee gobolka Gedo ee Soomaaliya, waxaan ka codsanaynaa maamulka gobolka Gedo, kan degmada Luuq iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaas inay xorriyadiisa u soo celiyaan si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loona ogolaado inuu shaqadiisa suxufinimo u guto sida ugu habboon iyada oo aysan jirin wax hanjabaad ah ,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Muumin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here