Saturday, July 27, 2024

Kenya iyo M/Yurub oo kala saxiixday heshiis dhanka maalgashiga iyo ganacsiga

Nairobi (Dawan)- Dowladda Kenya iyo Midowga Yurub ayaa maanta oo Isniintii kala saxiixday heshiis ganacsi oo muddo dheer laga wada xaajoonayay si kor loogu qaado isu socodka badeecadaha labada suuq.

Heshiiska Iskaashiga Dhaqaalaha waxa uu Kenya siinaya in cashuurta laga dhaafo badeecadaha Kenya ee ay geyso suuqa Yurub oo ah suuqa ugu weyn ee ay wax u dhoofiso halka badeecadaha Yurub ay heli doonaan qiimo dhimis ballaaran.

Heshiiskaan ayaa ah kii ugu horeeyay ee ganacsi balaaran oo dhexmara Midowga Yurub iyo wadan Afrikaan ah tan iyo sannadkii 2016-kii, waxayna u muuqata in Midowga Yurub uu diyaar u yaahy inuu xifaaltan ganacsi la galo Shiinaha oo ka hirgeliyay Qaaradda Afrika mashaariic ballaaran oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah.

“In kasta oo maanta ay noo tahay waqti ballan qaad, haddana waxay sidoo kale billaaw u tahay isbeddelka taariikhiga ah ee iskaashigeena” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya William Ruto oo ka hadlayay munaasabadda heshiiska oo ay goob joog ka ahayd Madaxa Golaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen.

Madaxa Golaha Midowga Yurub von der Leyen ayaa dhankeeda sheegtay in iskaashigu uu guul u yahay labada dhinac, waxeyna ugu baaqday wadamada kale ee Bariga Afrika inay ku soo biiraan heshiiska.

“Waxaan bog cusub u furaynaa xiriirkeena inaga oo xoogga saareyna ganacsiga iyo dhaqaalaha” ayay tiri, von der Leyen.

Labada Baarlamaan ee Kenya iyo Yurub ayaa laga sugaya in ay ansixiyaan heshiiska ka hor inta uusan dhaqan gelin.

Isdhaafsiga badeecadaha Kenya iyo Yurub

Dowladda Kenya ayaa u dhoofisa Midowga Yuub 20% badeecadaha ay dibadda geyso iyada oo u dhoofisa Yurub wax soo saarka beeraha, oo ay ku jiraan khudaarta, miraha, shaaha iyo kafeega.

Isdhaafsiga badeecadaha ee labada dhinac ayaa lagu qiyaasay sannadkii 2022-ki ilaa 3.3 bilyan euro ($ 3.6 bilyan) taas oo ka dhigan in koror dhan 27% uu ku yimid tan iyo 2018

Loolanka loogu jiro suuqa Africa

Afrika ayaa noqotay suuq furan oo loo soo wada galo tartan tan iyo markii uu billawday dagaalka Ukraine, iyada oo ay dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Reer-galbeedku u hanqal taagayaan hanashada Qaaradda Afrika.

Kenya waxaa loo arkaa in ay tahay dal dimoquraadi ah oo xasiloon taas oo keentay in Dowladaha waaweyn ay isku garbiyaan mashaariicda iyo heshiisyada ganacsi ee ay ka sameeyanyaan.

Midowga Yurub wuxuu qaaday tillaabooyin uu kaga hortagayo Hindisaha Belt and Road ee Shiinaha, isaga oo ku dhawaaqay bishii Febraayo inuu kordhin doono maalgashiga Kenya iyada oo la adeeegsanyo Hindisaha Global Gateway.

Shirkad laga leeyahay Shiinaha ayaa dhistay Mashruucii ugu weynaa ee kaabeyaasha dhaqaalaha ee Kenya oo ah waddo tareen oo isku xiraysa Nairobi iyo Dekedda Magaalada Mombasa sannadkii 2017, waxaana ku kacday lacag dhan 5 bilyan oo dollar.

Heshiiska cusub ee ganacsiga Yurub ayaa ah gabagabada wadahadaladii ganacsi ee u dhexeeyay Midowga Yurub iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee bilaabmay qiyaastii toban sano ka hor.

Kenya ayaa sannadkii 2016-kii heshiis ganacsi oo bilaw ah la saxiixatay Midowga Yurub, waxaana lagu waday in heshiiskaas ay wada saxiixaan Dowladaha ku bahoobay ururka Bulshada Bariga Afrika balse guul darro ayaa ku timid, taas oo keentay in Kenya ay si gaar u qaadatay heshiiska.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here