Saturday, July 27, 2024

Kenya: Afar qof oo ku dhimatay shil gaari

Nairobi (Dawan)- Afar qof ayaa ku dhimatay sagaal kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen gaari nooca dadweynaha ay raacaan ee loo yaqaano Mataatuuda iyo gaari Bas ah .
Darawalkii kaxaynayay gaarika Mataatuuda iyo 3 qof oo rakaab ahaa ayaa isla goobta ku nafwaayay, sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Kenya.
Shilkaan ayaa ka dhacay wadada isku xirta Eldoret iyo Nakurusi gaar ahaan aagga loo yaqaano Hill Tea.
Dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa la geeyay Isbitaalka Eldama Ravine, halka Meydadki la dhigay goobta meydadka lagu keydiyo ee isbitaalka Ravine .

Afar maalin ka hor ayay ahayd markii 44 qof ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaanka loo yaqaano Londiani ee Ismaamulka Kericho.

Bartamihii bishii hore, 12 qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay waddada u dhexeysa magaalooyinka Kisumu iyo Bondo ee Kenya.

Dhwor jeer laamaha Dowladda Kenya ee qaabilsan ka hortagga shilalka iyo bad qabka dadweynaha ayaa soo saaray awaamir iyo digniino lagu xakamayanayo shilalka sida is daba joog ah uga dhaca dalkaas balse weli laguma guuleysan in arrintaas xal loo helo.

Shilalka gawaarida ayaa ku badan Kenya, waxeyna galaaftaan sannadkii nolosha dad badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here