Saturday, July 27, 2024

Geelle oo qaabilay agaasimaha Hay’adda IOM

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa madaxtooyada dalkaas ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka Adduunka, Amy Pope oo booqasho ku mareysa wadamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha iyo Agaasimaha ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah iyo wax ka qabashada tahriibka sharci darrada ah ee kusoo badanaya Geeska Afrika.

Amy Pope, ayaa u sheegtay TV-Ga Jabuuti in Hay’adda Socdaalka Adduunka ay ka go’antahay sidii ay Jabuuti ugala shaqeyn lahayd dhinaca qaxootiga iyo ka hortagga tahriibka sharci darradda ah, iyada oo Jabuuti ku amaanatay sida ay u maareyso qaxootiga soo gaara dalkeeda.

Siciid Nuux Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti oo goob joog ka haa kulanka ayaa sheegay in Agaasimaha ay siiyeen warbixin ku saabsan hannaanka ay dowladda Jabuuti ku wajahdo dhacdooyiinka tahriibka iyo qaabka loo caawiyo qaxootiga ku nool gudaha Jabuuti.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Amy Pope ay ka heshay dowladda Jabuuti ballan qaad ah wadashaqeyn iyo iskaashi dhameystiran.

Amy Pope, ayaa socod ku mareysa dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxeyna mas’uuliyiinta wadamadaan kala hadleysaa sidii wax looga qaban lahaa qaxootiga iyo tahriibayaalka sida sharci darrada ah uga cararaya dalalkooda iyaga oo naftooda halis gelinaya si ay u gaaraan Qaaradda Yurub iyo Waqooyiga Amerika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here