Saturday, July 27, 2024

Madaxda Soomaaliya iyo Masar oo lagu wado in ay kawada hadlaan xiisadda Geeska Afrika

Qaahira (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar kadib markii uu ka amba baxay Magaalada Kampala uu maalmihii lasoo dhaafay uga qeyb galay shirarkii IGAD iyo Dhaqdhaqaaqa Dowladaha Dhaxdhaxaadka ah.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu dhiggiisa Masar, Cabdifataax Al-siisii kala hadlo xoojinta iyo iskaashiga xiriirka ka dhaxeeya labada Dowladood

“Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Booqashada Madaxweyne Xasan ayaa timid kadib markii uu dhawaan ka helay casuumaad Madaxwenaha Masar, iyada oo xiisadda arrimaha Badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ay cirka isku sii shareertay maalmihii lasoo dhaafay.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay isla soo qaadaan heshiiskii dhawaan dhax maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, si ay Itoobiya Xeebaha Soomaaliya uga hesho 20 KM oo ay u adeegsato saldhig ciidan

Mowqifka Masar ee heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

Madaxweyne Cabdifataax Al-siisi ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horeeyay ee telefoon kula hadla Madaxweyne Xasan kadib markii uu dhacay hehiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Badda isaga oo caddeeyay mowqifka Masar ee ku aaddan ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada dhileed ee Soomaaliya taas oo ka dhigan in ay kasoo horjeedaan heshiiska.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dibadda Masar ayaa lagu yiri, ” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar waxa ku adkeysaneysaa in ay lama huraan tahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeedo tallaabo kasta oo keeni karta in ay wiiqanto qaranimada Soomaaliya”.

Shirkii ay dhawaan yeesheen Wasiiradda Arrimha Dibadda ee Jaamcadda Carabta laguna tagaeeray Soomaaliya ayuu Wasiirka Dibadda ee Masar, Saamix Shurki ka sheegay in Masar ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo ugu baaqay dhammaan wadamada Carabta iyo kuwa caalamka inay gutaan mas’uuliyadda ka saaran inay muujiyaan ixtiraamka madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed ee waafaqsan mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay sidoo kalena la diido tallaabo kasta oo xad-gudub ku ah qaranimada umadda Soomaaliyeed.

Is-dhaafsiga Badda iyo aqoonsiga

Waxa xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu bilaawgii bishan January heshiis is-afgarad ah la saxiiday Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ku saabsanaa in Itoobiya laga kireeyo dhul 20 KM ah oo ku teedsan xeebta Soomaaliya, si ay Itoobiya uga dhisato saldhig ciidan.

Xafiiska Abiy Axmed oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in heshiiskan uu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Dhinaca kale Muuse Biixi ayaa xusay in qodobada heshiiska ay ku jirto in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan mustaqbalka dhow.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here