Saturday, July 27, 2024

Dad gaajo iyo nafaqo darro ugu dhintay gobolka Gambella ee Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 30 qof ay ugu dhinten gobolka Gambella ee dalka Itoobiya gaajo iyo nafaqo darro.

Hay’adda ayaa ugu baaqday caalamka in si deg-deg ah loola soo gaaro gargaar cunto oo ku filan dadka kusoo barakacay gobolka  Gambella

Gobolka waxaa soo gaaray ku dhawaad 400,000 oo qaxooti ah ilaa dhamaadkii bishii August, waxaana la joojiyay raashinkii gargaarka ahaa tan iyo bishii May qaybo ka mid ah xeryaha qaxootiga Gambella.

Dadka ayaa kasoo baxay kaamamkii qaxootiga kadib markii ay waayen wax ay cunaan, waxeyna dhinteen iyaga oo raadis ugu jira cunno, sida ay sheegtay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya

Hay’addu waxay intaas raacisay in joojinta cunnada gargaarka ay sababatay  dhimashada dadkaan, waxeyna ka deyrisay xaaladda ay ku jiraan qaxootiga jooga gobolka Gambella kuwaas oo wajahaya duruuuf adag.

Hay’adda qaxootiga dowladda itoobiya ayaa sidoo kale ugu baaqayday hay’adaha samafalka gudaha iyo kuwa caalamiga ah in ay ka shaqeeyaan sidii dib loogu billaabi lahaa kaalmadii la gaarsiin jiray qaxootiga gobalka Gambella si loo badaadiyo noloshooda.

Hay’addu waxay xustay in  in colaadaha ka jira gobollada kal duwan ee Itoobiya ay  sababaeen in uu kordho barakaca iyo dadka imaanaya xeryaha qaxootiga.

Colaado iyo dagaallo ayaa jiray qaar ka mid ah gobollada Itoobiya sannadihii lasoo dhaafay, waxeyna sii kordhiyeen dhibaatada fariga, shaqo la’aanta iyo dhaqaala xumida guud ee ka jirtay dalka Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here