Saturday, July 27, 2024

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Somaliland

Hargeysa (Dawan)- Afar qof ayaa ku dhimatay, lix kalena way ku dhaawacmen shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa degmada Sallaxley iyo Banka Qool- cadey ee Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland.

Shilka khasaaraha geystay ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaawirada ay Soomaalidu u taqaano Dhayne iyo Land cruiser, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Agaasimaha waaxda arrimaha Bulshada Dowladda Hoose ee Degmada Sallaxley Khadar Gaas.

Daraasad dhawaan laga sameeyay magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa daaha ka qaaday  in shilalka gaadidka waddooyinka Somaliland  ay kor u kaceen tobankii sannadood ee u dambeeyay, iyadoo labadii sannadood ee u dambeeyay oo keliya ay shilalka gaadiidku ay kor u kaceen 28.17%.

Warbixintaan ayaa muujineysa in ay Somaliland ka mid tahay deegaanada ay ka dhacaan shilalka ugu badan ee ay Soomaalidu degto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here