Saturday, July 27, 2024

Maamulada Waqooyi-Bari Kenya oo xakameynaya sicirka maciishadda

Mandera (Dawan)- Maamulada Gobollada Waqooyi-bari Kenya ayaa dadaal xoogan ku bixinaya sidii loo xakamayn lahaa sicirka maciishadda oo laga dareemay kor u kac kadib markii ay yaraadeen waxyaabihii uga imaan jiray Gobollada kale ee dalka.

Guddoomiyayasha Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qiimaha maciishadda kor u kacay kadib markii ay ganacstada qaarkood keydasadeen badeecadihii taas oo ah tillaabo ka baxsan sharciga ganacsiga.

Madaxda Gobolladaan ayaa digniin culus u diray ganacsatada keydsata badeecadaha kadibna dadweynaha ku kordhiya qiimaha, iyaga oo ballan qaaday in laga qaadi doono tillaabo waafaqqsan sharciga sida in lagala laabto shatiga ganacsiga.

Laamaha amniga iyo dembi baarsita ayaa iyagana la faray in ay baaritaan ku sameeyeen ganacsatadii falkaas ku kacda si loo horgeeyo sharciga.

Xakameynta maciishadda ayaa muhiim u ah dadweynaha ku nool Gobollada Waqooyi-Bari Kenya kadib markii fatahaadaha roobabku sababeen in wax lasoo geli waayo gobolladaan mddo dhowr isbuuc ah.

Isbeddelka dhanka sicirka ee dhacay waxaa ka mid ah in kiiladii Sonkorta lakala siisto lacag dhan 500 oo lacagta Kenya ah halka ay markii hore u ahaan jirtay 100 shilin.

Sara kaca qiimaha ayaa laga dareemaya dhammaan maciishadda gaar ahaan waxyaabaha sida maalin laha loo iibiyo sida caanaha, qudaarta, hilibka iyo raashinka kala duwan.

Qoysaska danyarta ah ayaa walaac xooggan ka muujiyay sicir bararka ku dhacay waxyaabaha quutal daruuriga ah, waxeyna maamulka ka codadeen in lasoo fara geliyo waxna laga qabto sababihii keenay isbeddelka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here