Saturday, July 27, 2024

Madaxweynaha Jabuuti oo Johannesburg uga qeyb galay shirka BRICS iyo Afrika

Johannesburg (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay shirka u dhaxeeya dowladaha ku bahoobay ururka Bricks iyo dowladaha Afrika.
Dowlaha ururka BRICS ayaa ka doodayay maalmihii lasoo dhaafay sidii loo ballaarin lahaa dowladaha xubinta ka ah isbaheysiga BRICS, waxaana jira ku dhawaad 40 dowladood oo muujiyay rabitaankooda ah ku biirista isbaheysigaan.
Dowlado ay ka mid yihiin Sacuudiga, Al-jeeriya, Argentina iyo Iiraan ayaa soo dalbaday inay ku biiraan BRICS, taas oo haddii la aqbalo kordhin doonta miisaanka dowladaha isbaheysigaan.
Reer-galbeedka ayaa aaminsan inuu loollan dhaqaale iyo mid siyaasadeed kala kulmi doono dowladaha ku bahoobay BRICS, waxaana dhici karta in dowladaha qaar la kulmaan cadaadis uga yimaada Maraykan iyo xulafadiisa.
69-dal ayaa lagu casuumay ka qeyb galka shirka Johannesburg oo ay ku jiraan dhamaan wadamada Afrika, waxaana isha lagu wada haaya go’aanada kasoo bixi doona iyo waxa laga yeelayo dowladaha sida rasmiga ah usoo codsaday ku biirista BRICS.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa inta uu joogo Johannesburg kulan la qaadan doona madaxda dhiggiisa ah, si ay uga wada xaajoodaan xoojinta iyo kor u qaadista xiriirka diblomaasiiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Wasiirka arrimaha dibaada iyo iskaashiga caalamiga Maxamuud Cali Yuusuf, wakiilka joogtada ah ee Jabuuti u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here