Saturday, July 27, 2024

Puntland oo uga digtay shirkadaha Isgaarsiinta in ay filiyaan amaraka dowladda Federaalka

Garoowe (Dawan)- Wasiirka wasaaaradda warfaafinta ee maamul goboleedka Puntland oo saaxafadda la hadlay ayaa uga digay shirkadaha isgaarsiinta ee ka shaqeeya deegaanada Puntland inay fuliyaan amaraka dowladda Federaalka ee lagu mamnucay qaar ka mid ah baraha bulshada.
Wasaaradda isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya aya dhawaan soo saartay go’aan lagu xannibaayo aaladaha TikTok, Telegram iyo 1XBET, waxeyna fartay shirkadaha bixiya adeegga internetka inay fuliyaan go’aankaas.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Puntland aysan ku qasbaneyn fulinta amarkaas oo ay leedahay shuruuc u gaar ah, isaga oo raaciyay in waddanku yahay Federaal.
“Ku dhaqanka shuruucda waa lagu kala horreeyay oo Puntland waxay kaga horeesay dowladda Federaalkaa iyo dowladaha xubnaha ka ah nidaamka iyo shuruucda. Puntland iyadoo shuruuc iyo dowladnimo leh ayeey inta kala dhasheen” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.
Wasiirka ayaa intaas raaciyay, in Puntland leedahay xeerar iyo anshax xakameeya dadkeeda iyo waxa la soo bandhigo oo dastuurka Punland ku qoran.
” xeerka ciqaabta Soomaliyeed iyo dastuurka Puntland intuba waxay xaddidayaan dhaq-dhaqaaqa qofka iyo waxyaaba aan ku habbooneyn hadduu ka sameeyo goob fagaara ah ama warbaahinta, waxaa jirta shuruuc xaddideysa oo wax ka qaban karta” ayuu yiri wasiirka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in madaxweynaha Puntland uu guddi wasiirro ah u saaray xeerka iyo siyasadda baraha bulshada kuwaas oo shuruc iyo xaddidaad u sameeyay isticmaalka baraha bulshada.

Puntland ayaa kusoo biirtay qeybaha kala duwan ee diiday xannibaadda aaladaha TikTok, Telegram iyo 1XBET, iyada oo Soomaaliland iyo dhallinyarada ugu caansan baraha bulshada ay hore uga hor yimidiin jooninta iyo xayiradda qaar ka mid ah aaldaha baraha bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here