Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne Xasan oo Maxaas kula kulmay siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed

Hiiraan (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa kulamo la qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka kasoo jeeda deegaankaas, isaga oo kala hadlay sidii loo sii dardar gelin lahaa dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab .

Madaxweynaha oo bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka” ayaa lagu yiri, qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynahu la kulmay ay soo soo jeediyeen talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka Al-shabaab, iyaga oo ballan qaaday in ay qaadan doonaan doorkooda halganka dalka lagu xoreynayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u tegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, si loo sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo in la soo afjaro khilaafaadka hareeyay maamul goboleedka Hirshabeelle ee saameynta ku yeeshay dagaalladii ka socday gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay la wareegto deegaanada ku haray gacan ku heynta kooxda ay Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here