Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne Xasan: Qaran ka madax bannaan khilaafaad ayaa gaari kara horumar

Dhuusamareeb (dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay xafladda sanad guurada maamul goboleedka Galmudug ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in laga fogaado khilaafaadka siyaasadeed ee caqabad ku noqon kara geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

“ Qaran heshiis ah, oo khilaafka ka dhan , oo leh qaab dhismeed lagu xalliyo khilaafdka ayaa tiigsan kara horumar dhinac walba leh” ayuu yiri, madaxweyne Xasan.

Madaxweymaha ayaa xusay in meel fiican laga gaaray arrima badan oo hore la isagu khilaafsanaa sida dastuura, federaaleynta, amniga, garsoorka iyo canshuuraha, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in lasoo dhaweynaayo doodaha iyo fikradaha kale si ugu danbeyn loo qaato go’aan dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here