Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo la ciyaari doonta Eswatini isku aadka hordhaca ah ee koobka Afrika

Qaahira (Dawan)- Isku aadka hordhaca ah ee koobka Qaramada Afrika ee sannadka 2025 ayaa maanta lagu qabtay xarunta xiriirka kubada cagta Africa ee Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Isku aadka la sameeyay ayaa muujinaya in Xulka Qaranka Soomaaliya uu wajahi doono xulka Eswatini

Isku aadka ayaa la sameeyay kadib markii la soo gabagabeeyay tartankii 34-aad ee ay martigelineysay Ivory Coast.

Isku aadka hordhaca ah, waxaa ku jira sideed dal kuwaas oo ah dalalka meel hoose uga jira qiimenta FIFA, waxeyna kala yihiin Soomaaliya, Jabuuti, Sao Tome, Chad, Mauritius, South Sudan, Liberia iyo Eswatini.

Lugta koowaad iyo Labaad ayaa lagu wadaa in la ciyaaro bisha March 18-keeda ilaa 26-keeda

Halkaan hoose ka eeg sida ay dalalku isku arki doonaan isku aadka hordhaca ah ee koobka Qaramada Afrika

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Morocco iyo martigelinta koobka Afrika ee 2025

Guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta ee Afrika ayaa ku dhawaaqay in dalka Morocco marti gelin doono koobka qaramada Africa sannadka 2025, kadib markii uu helay aqlabiyadda codadkii guddiga fulinta, iyada oo ay isaga hareen tartanka dowladihii la tartamaayay ee kala ahaa Algeria, Zambia iyo Nigeria.

Waa markii labaad oo ay Morocco nasiib u yeelaneyso inay martigeliso koobkaan, iyada oo markii ugu horeysay ay ahayd sannadkii 1988-kii oo Cameroon ay ku guuleysatay.

Masar ayaa heysata koobabka ugu badan, waxeyna ku guuleysatay koobka qaramada Africa toddobo jeer, halka ay kaalinta labaad ku jirto Cameroon oo ku guuleysatay koobkaan shan jeer.

Xulka Qaranka kubadda cagta ee Ivory Coast ayaa ku guuleystay sannadkaan koobka Qaramada Afrika markii seddexaad kadib markii ay 2-1 uga badiyeen dhiggooda Nigeria.

Xulka Ivory Coast ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee tartanka martigeliyay ee hadana qaada koobka tan iyo markii ay Masar ku guulaysatay 2006-dii.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here