Saturday, July 27, 2024

Mareykanka oo malaayiin dollar ku baadi goobaya ku xigeenka Amiirka Al-shabaab

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in abaal marin lacagaeed oo gaareysa 5 milyan oo dollar la siin doono cidii soo sheegta macluumaad ku saabsan Abuukar Cali Aadan.

Abuurkar ayaa ah ku xigeenka Amiirka kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale horay u soo hoggaamiyey garabka hubaysan ee loo yaqaan Jabhadda ee Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Mareykanka

“Bishiii Janaayo ee 2018-kii, Wasaarada Arimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa u aqoonsatay Abuukar Cali Aadan shaqsi si gaar ah loogu asteeyay inuu yahay argagixiso caalami ah…  Sidoo kale waxaa uu ku jiraa liiska cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee nambarkiisu yahay 1844 (2008) inuu ku lug leeyahay ama siiyo taakulo liddi ku ah nabada, amniga ama deganaanshaha Soomaaliya iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa intaas raaciyay, in Abuukar Cali Aadan uu xariir la leeyahay ururada Al-Qaacida ee ka hawlgala Jasiiradda Carabta iyo Maqribul Islaami.

Bishii Abriil 2010, guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan cuna qabateynta Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kusoo rogay cuna  qabateyn.

Dowladda Maraykanka ayaa hore u ballan qaaday inuu abaal marin lacageed oo gaareysa maalaayiin dollar siin doonto cidii macluumad ka keenta hoggaamiyaasha kooxda Al-shabaab ee kala ah Axmed Diiriye, Mahad Karataay iyo Jihaad Mustafa.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo muddo sannad iyo dheeraad ah uu dagaal culus ku dhex marayo gobolladda Dhexe ee Soomaaliya  ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo dowladaha saaxibada la ah iyo kooxda Al-shaabab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here