Saturday, July 27, 2024

Mas’uuliyiin iyo bahda fanka oo ka tacsiyeeyay geerida Axmed Naaji Sacad

Muqdisho (Dawan)- Madaxda Soomalida, siyaasiyiinta iyo bahda fanka ayaa si wada jir ah uga tacsiyeeyay geerida ustaad Axmed Naaji Sacad oo shalay ku geeriyooday magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay abwaankii iyo fannaankii Soomaaliyeed ee Marxuum Axmed Naaji Sacad.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo doorweyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isaguna diray tacsi taas la mid ah, wuxuuna ku tilmaamay Marxuum Axmed Naaji inuu ahaa waddani kaalin weyn kasoo qaatay kor u qaadista wacyiga bulshada Soomaaliyeed iyo ilaalinta dhaqanka suuban ee umadda Soomaaliyeed.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee xafiiska ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu sheegay, in ra’iisul wasaarhu ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ka mid ahaa tiirarka uu ku taagnaa fanka Soomaaliyeed.

Hibo Maxamed Hiba Nuura, Salaad Maxamed, Axmed Cali Cigaal, Abwaan Nuuraani, Luul Cali Xasan, Nimco Yaasiin Caraale, Laashin Axmadeey Cabdi Gaashaan, abwaan Maki Xaaji Banaadir, abwaan Guure, Yusf Shaacir iyo fannaaniin kale oo kala jooga dalka gudihiisa iyio dibbadiisa ayaa ka tacsiyeeyay geerida abwaan Axmed Naaji Sacad, waxeyna Ilaah uga baryeen inuu ka waraabiyo Jannadda, sidoo kalena samir iyo imaan ka siiyo ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay.

Axmed Naaji Sacad ayaa ku dhashay magaaalda Muqdisho sannadkii 1939, wuxuu waxbarashadiis asaasiga ah kusoo qaatay School Billaajo oo xilligaas ku baxaayaya luqadaha Carabiga iyo Talyaaniga sidoo kalena lagu baran jiray jilidda iyo sameynta riwaayadaaha.

Axmed Naaji ayaa fanka billaabay 1955-kii, wuxuuna ka qeyb qaadan jiray xafladaha ay soo qaban qaabinaayan Xisbigii SYL ee xornimo doonka ahaa, waxaana lagu baraty heeso badan oo waddani ah, isaga oo mararaka qaar ku heesi jiray Af-Carabiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here