Monday, May 20, 2024

Sawirkii ugu saameynta badnaa abid baraha bulsahda Soomaalida

Muqdishu (Dawan)- Waa hubaal sawirkan wuu ku soo gaaray

24-kii saac ee ugu dambeeyay waxaa barahooda bulshada ku baahiyay dad ka badan hal milyan oo qof.

Waxaa lagu tilmaami karaa sawirkii ugu shaacinta badnaa geyiga Soomaalida tan iyo soo if-bixitaankii baraha bulsahda.

Toloow maxaa ku jira? Muxuu la gaar yahay? Maxaa sababay hadal-heynta intaan la eg?

Dhammaan madaxda Soomaaliya soo maray tuutaha ciidamada waa ay xirteen.

Madaxweyne Sheekh Shariif, waxaa lagu xasuustaa inuu aad u xiran jiray dareeska ciidanka maadaama xilligiisi uu ahaa xilli dagaal oo Al-shabaab laga saaray caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa lagu xantaa inuu ciidanka u roona. Dhowr jeer wuxuu jediyay khudbado uu ku ammaanayo ciidanka, wuxuuna ballan qaaday abaal marino. Dareeska ciidanku waxa uu qeyb ka ahaa lebiska Farmaajo.

Madaxweyne Siyaad, isaga dood kama taagna oo waxa uuba ku abtirsadaa ciidanka.

Xasan Sheekh waxa uu doortay tuutaha cagaaran ee inta badan ciidamada Militeriga Soomaaliya xirtaan, Koofiyad, iyo kabo buudka ciidamada ah.
Cimaamad inta badan lagu garan ogyahay macawiisleydana qoorta ayuu ku duubtay.
Saacad Apple- ah iyo bakoorad xarago oo reer Dhuusamareeb caan ku yihiin ayuu kala soo degay diyaarad helekobtar ah.

Sawirkaan waxa uu la gaar ahaa dhowr qodob:

Arrin cusub: Madaxweyne Xasan laguma oqoon xirashada dharka ciidamada. Ku dhowaad 6 sano oo uu madaxweyne yahay oo laba muddo xileed u kala qeybsan, waa markii labaad inta la ogyahay ee uu soo muuqdo isaga oo xiran dareeska ciidamada.

Waqtiga: Xilliga uu ku soo beegmay oo ah xilli adag oo ay ciidamada dowladda isku diyaarinayaan dagaal rogaal celis ah, dhaliillo iyo faro ku fiiqna uu ka dhex jiro taliska ciidanka.

Madaxweynuhu waxa uu diray farriin ka go’naansho ah iyo in dhacdooyinku aysan hadafkiisa ka leexin doonin.

Astaanta Macaawisley: Maxaas oo ah xuddunta Macaawiisleyda beesha Xawaadle waa meel astaan u ah guulaha ay ciidamadu ka gaareen dagaalka. Waxa uu damcay ka qalin daarashada guulaha reer Hiiraan.

Dhiirri gelinta Ciidanka: Muddo bil ka badan oo uu madaxweynhu ku sugnaa Dhuusamareeb ciidamadu ma sameyn wax horumar ah oo la taaban karo, sidaas darteed sawirku waxa uu u noqday nuxur warbaahineed oo loo adeegsado dhiirri gelinta ciidamada.

Furinta dagaalka: Arrinta kale ee uu sawirku la gaar yahay ayaa in Xasan ku xirtay tuutaha furin dagaal ee uusan ku dhax xiran madaxtooyo ama munaasabad dabbaal deg oo lagu dhigay xarun ciidan.

Xilli Ciidamada Dowladdu iyo kuwa shabaab isku diyaarinayaan dagaallo adag oo go’aamin doona gacan ku heynta goobaha ay Al-shabaab maamulaan ee Mudug iyo Galgaduud, baraha bulsahda waxaa ka socda dagaal maalmihii u dambeeyay ay dowladdu ku gacan sarreysay oo guubaabo iyo dhiirri gelin u badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here