Saturday, July 27, 2024

Ururka Macallimiinta Kenya oo dalbady in tababar iyo hub la siiyo Macallimiinta

Nairobi (Dawan)- Ururka Macallimiinta dalka Kenya ayaa ka codsaday dowladda in tababar iyo hub la siiyo Macallimiinta ka howl gala deegaanada ay ka jirto amni darrada.

Edward Obwocha oo ah Xoghayaha Ururuka Macallimiinta Kenya ayaa codsigaan ka sheegay kulanka Golaha Guud ee Ururka ee sannadkaan lagu qabtay Ismaamulka Isiolo.

Xoghayaha Ururuka ayaa sheegay in qaar ka mid ah Macallimiinta ay ka shaqeeyaan goobo ay ka jiraan colaado iyo amni darro, iyada oo haddii Macallinku naftiisa u baqo laga joojinayo shaqada.

Obwocha ayaa qaab su’aal ah u weydiiyay dowladda, muxuu Macallinku isku difaacaya haddii qofka soo weeraray uu sito hub? ma Tabaashiirta/jeestada uu sabuuradda ku qoro?

Sidoo kale waxaa uu xusay in aysan xal ahayn in shaqada laga joojiyo Macallinkii naftiisa kala soo carara goobaha ay colaaddu ka jirto.

Gilbert Wafula oo ah Guddoomiyaha Macallimiinta ee Isiolo ayaa dhankiisa sheegay in Macallimiinta ka howlgala deegaanada Bassa, Oldonyiro, Merti, Sericho iyo Garbatula ay u baahanyihiin in ay helaan wax ay naftooda ku difaacaan.

Hore waxaa shaqada Macallinimada u diiday qaar ka mid ah Macallimiinti ka howl geli jirtay deegaanada Soomaalida, taas oo saameyn ku yeelatay hab sami u socodkii Waxbarashada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here