Saturday, July 27, 2024

IGAD oo walaac ka muujisay khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Jabuuti (Dawan)- Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac xooggan ka muujiyay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhax galay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kadib heshiiskii ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ee dhanka Badda.

Qoraal ka soo baxay Xoghayaha Fulinta IGAD ayaa lagu yiri, ” Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada u dambeeyay ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya”.

Qoraalka ayaa intaas raaciyay in IGAD ay si hoose ula socoto xaaladda, iyada oo garwaaqsan saamaynta ay ku yeelan karto xasilloonida Gobolka.

“Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa Madaxda IGAD in ay u istaagaan maareeynta arrintaan, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo is-afgarad looguu xallin lahaa, iyada oo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee midnimada qoyska IGAD” ayaa lagu yiri, qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo khatimay in IGAD ay ka go’an tahay sidii ay uga shaqeyn lahayd horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka Gobolka.

Walaaca IGAD ayaa kusoo beegmaya kadib markii ay Xukuumadda Soomaaliya ka codsatay Ururada caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya xasiloonida Gobolka in ay garab istaagaan  xaqa Dowladda Soomaaliya  ee ilaalinta  midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday 1-dii January heshiis is af-grad oo Itoobiya u ogolaanaya in ay Badda Cas ee Soomaaliya u adeegsan karto qaab ganacsi iyo saldhig ciidan.​

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here