Saturday, July 27, 2024

MW Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Talyaaniga

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka gudoomaya warqadaha aqoonsiga safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacawday Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.

Safiirkaan cusub ayaa beddeli doona safiirki hore ee Alberto Vecchi oo muddo xileedku dhamaaday.

“Danjiraha cusub oo ka mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday Cuba-qabatayntii hubka, waxaa uuna bogaadiyay horumarada laga gaaray dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia

Madaxweynaha iyo Safiirka cusub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Talyaaniga.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah, waxeyna dowladda Talyaanigu ka qayb qaadata dowlad dhiska iyo Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ah barnaamij lagu xoojiyo adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here