Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u cusboonesiiyay heshiiska difaaca

Addis Ababa (Dawan)- Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya mudane Abraham Belay ayaa si loo dardargeliyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal waxa ay saxiixeen cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca kaas oo hore labada dowladood u kala saxiixdeen bishii February, 2014.

Heshiiskaan ayaa sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal waxa uuna sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka.

Heshiiskaan waxa uu abuurayaa dhismaha Guddiyo Difaac oo wadajir ah, si ay u horumariyaan, una fududeeyaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalintu ka joogaan Soomaaliya , waxayna si firfircoon uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here