Jigjiga, 5 Janaayo 2026 (Dawan)– Magaalada Jigjiga ayaa Axaddii lagu qabtay munaasabad lagu maamuusay 371 qoys oo si rasmi ah uga baxay ku-tiirsanaantii gargaarka, kuna tallaabsaday isku-fillaansho dhaqaale, kaddib markii ay ka qalin-jabiyeen Mashruuca Shabakadda Badbaadada Wax-soo-saarka iyo Shaqo-abuurka Magaalooyinka (UPSNJP).
Mashruucan, oo taageero ka helaya Bangiga Adduunka, ayaa muddo saddex sano ah diiradda saarayay xoojinta qoysaska dakhligoodu hooseeyo, iyadoo la siinayay tababaro xirfadeed, kaalmada mushaarka tooska ah, iyo fursado shaqo-abuur, si ay uga gudbaan gargaarka una noqdaan kuwo wax-soo-saar leh.
Munaasabadda qalin-jabinta waxaa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Jigjiga, madaxda xafiisyada shaqo-abuurka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Duqa Magaalada Jigjiga, Shaafi Axmed, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa mashruuca ku tilmaamay mid laf-dhabar u ah horumarka magaalada, isaga oo xusay in ujeeddadu tahay in bulshada laga saaro ku-tiirsanaanta gargaar, lana gaarsiiyo heer ay ka qayb-qaataan koboca dhaqaalaha. “Waxaan rabnaa bulsho wax beerta, xirfadaha ay barteen ku shaqeysata, kana qayb-qaadata horumarinta magaalada,” ayuu yiri duqa.
Dhankiisa, Kayse Dayib, Madaxa Xafiiska Shaqo-abuurka iyo Damaanad-qaadka Cuntada ee Jigjiga, ayaa sheegay in qoysaska qalin-jabisay ay soo mareen hannaan isku dhafayay mushaar toos ah iyo taageero ganacsi, taas oo si muuqata u beddeshay noloshooda. Wuxuu intaa ku daray in mashruucu ka faa’iideystay 1,421 qof oo ka kala socda qoysaskan.





