Mandheera (Dawan)- Abaarta ka jirta ismaamulka Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya ayaa si ba’an u saameysay nolosha xoola-dhaqatada, kuwaas oo si weyn ugu tiirsan xoolaha si ay u daboolaan baahiyahooda nololeed ee maalinlaha ah. Roobabkii xilliyeedka oo si isdaba-joog ah u baaqday ayaa sababay daaq la’aan, biyo-yaraan, iyo dhimasho ballaaran oo ku haleeshay xoolaha.
Xoola-dhaqatadu waxay ku qasbanaadeen inay u guuraan masaafooyin dheer oo u dhexeeya 30 ilaa 50 kiiloomitir si ay u helaan biyo iyo daaq, arrintaas oo keentay daal badan, hoos-u-dhac ku yimid wax-soo-saarka xoolaha, iyo koror ku yimid khasaaraha dhaqaale ee qoysaska ku tiirsan dhaqashada xoolaha.
Meelaha sida gaarka ah u saameeyay waxaa ka mid ah Laafey, WaqooyigaMandheera, Koonfurta Mandheera , Bariga Mandheera , Galbeedka Mandheera iyo Baniisa, oo ah deegaan ay ku badan yihiin qoysaska xoola-dhaqatada ah.
Sidoo kale, abaartu waxay hoos u dhigtay wax-soo-saarka caanaha, taas oo keentay cunno-yari iyo nafaqo-darro sii kordheysa, gaar ahaan carruurta iyo haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya. Cusmaan Gaabow, oo ka mid ah dadka deggan Waqooyiga Mandheera , ayaa yiri: “Xoolahayagu caano uma lahan sidii hore, maadaama ay masaafooyin dheer u maraan biyo iyo daaq, mararka qaarna maba lahan gabi ahaanba caano .”








