Soomaaliya (Dawan)– Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu helay shahaadada ISO/IEC 27001:2022 ee Nidaamka Maamulka Amniga Macluumaadka (ISMS).
Shahaadadan waxaa bixisay Hay’adda Shahaado-siinta Nidaamyada Maamulka (MSECB). Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay bangiga, aqoonsigan ayaa yimid kaddib markii lagu sameeyay hantidhowr ku saabsan xakamaynta gudaha, habraacyada shaqada iyo siyaasadaha amniga macluumaadka, si loo hubiyo inay waafaqsan yihiin heerarka caalamiga ah.
“Guushan ma aha oo keliya shahaado la helay; waxay ka dhigan tahay guul weyn oo laga gaaray xoojinta maamulka hay’adda iyo waafajinta shaqadeenna heerarka ugu sarreeya ee caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bangiga Dhexe ayaa xaqiijiyay in hirgelinta heerkan ISO looga golleeyahay xoojinta maamul-wanaagga hay’adda, kor u qaadista hufnaanta shaqada, iyo in nidaamyada bangiga loo waafajiyo bartilmaameedyada caalamiga ah.