Baydhabo (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa galabtii Talaadada gaaray magaalada Baydhabo kadib markii uu ku yimid diyaarad gaar ah oo si toos ah uga timid dalka Itoobiya, sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay Dawan u xaqiijiyeen.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay si toos ah uga soo degtay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo, iyadoo aan soo marin magaalada Muqdisho, inkastoo inta badan diyaaradaha caalamiga ah ay maraan caasimadda Muqdisho.
Socdaalka uu madaxweynuhu ku yimid Baydhabo ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.