Baydhabo (Dawan) – Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysanaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in rakaab ku scday Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho maalintii labaad oo xiriir ah.
Wasiirka Warfaafinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadaas, isagoo ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa dhaqanka Soomaaliyeed iyo xeerarka duulimaadyada rayidka ah.
“Waxaa nasiib darro ah in maalintii labaad dad musaafiriin ah oo u socday Baydhabo ama ka yimid lagu celiyo garoonka Muqdisho. Arrintan waxay ka hor imaanaysaa dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed iyo xuquuqda isu socodka shacabka,” ayuu yiri Wasiir Bilaal.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dadka la celiyay ay ku jiraan dad xanuunsan iyo kuwo doonayay inay la qaataan eheladooda maalmaha Ciidda, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay siyaasadaysay isu socodka dadweynaha.