Soomaaliya, Maarso 18, 2026 (Dawan)– Afar xubnood oo ka tirsan guddiga fulinta ee Xisbiga Cadaaladda iyo Midnimada (JSP) ee talada haya ayaa iscasilay maanta oo Arbaco ah, iyagoo sabab uga dhigay in hoggaanka xisbiga uu iska indho-tirayo dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka.
Xubnaha iscasilay ee kala ah; Maxamed Xasan Maxamed, Xasan Cali Maxamed, Awliya Siid Cabdullaahi, iyo Mukhtaar Maxamed Mursal—ayaa ahaa xoghayayaasha xisbiga ee qaybaha xoolaha, qorshaynta, caafimaadka, iyo waxbarashada. Saddex ka mid ah waa xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, halka kan afaraadna uu yahay wasiir hore; dhammaantood deegaankooda doorashadu waa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ayaa lagu sheegay in hoggaanka JSP uu "burburinayo nidaamka federaalka" islamarkaana uu wado "olole ka dhan ah Koonfur Galbeed." Waxay sidoo kale sheegeen in xisbigu ku guuldarraystay inuu ixtiraamo hannaanka sharciga ah ee dalka, taasoo horseedday burbur ku yimaada wadajirka qaranka.