Muqdisho (Dawan) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray amar cusub oo lagu mamnuucayo in ciidamada Xoogga Dalka ay hub la soo galaan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan marka ay ka yimaadaan furimaha dagaalka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in askari kasta oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka lagu amray inuu hubkiisa ku reebo xerada uu ka tirsan yahay, gaar ahaan bakhaarka hubka, inta uu ku jiro fasaxa ama uu magaalada soo galayo.
Hadalkan ayuu ka sheegay muuqaal maanta oo Khamiis ah lagu baahiyey baraha bulshada ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
“Qof askari ah oo Muqdisho soo galaya qori kuma dhex wadan karo. Sidoo kale mooto lama raaci karo isagoo hub wata, arrintaas waa mamnuuc. Askari kasta waa inuu hubka dhigaa ka hor inta uusan magaalada soo gelin,” ayuu yiri. Afhayeenka ayaa raaciyey in sidoo kale baabuurta Ciidanka Xoogga ee bannaanka magaalada ka yimaada aysan si fudud u soo geli karin gudaha magaalada. Waxa uu sheegay in gaadiidka Ciidanka Xoogga ay diiwaangashan yihiin.