Puntland, 18 Maarso 2026 (Dawan) — Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray cafis madaxweyne oo loo fidiyay 127 maxbuus si loogu xuso munaasabadda soo socota ee Ciidul Fidriga, sida uu xafiiskiisu ku dhawaaqay caawa oo Arbaco ah.
Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in maxaabiistan ay ku jireen xabsiyo kala duwan oo ku yaalla deegaannada Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin xabsiyada magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Qardho, Badhan iyo Gaalkacyo.