Muqdisho (Dawan)- Suuqa Xamarweyne ee ku yaalla caasimadda Muqdisho ayaa wajahaya hoos u dhac muuqda oo ku yimid dhaq-dhaqaaqii ganacsiga, iyadoo ganacsatadu ay sheegayaan in xaaladdan ay si toos ah ula xiriirto xiisadda dagaal ee ka taagan Bariga Dhexe.
Goobihii hore looga arkijiray ciriiri iyo dad badan oo wax iibsanaya ayaa hadda u muuqda kuwo dadku ku yar yahay. Ganacsatada ayaa tilmaamaya in xilligan oo kale, gaar ahaan marka la joogo xilliyada ciidaha, ay ahayd in suuqyadu aad u mashquul badnaadaan.
“Weligeen iyo allahayn arrin sidan oo kale ah ma arag, laakiin wax walba Ilaahay agtiisa ayay ka qoran yihiin. Ciid sidan oo kale ah hore looma arag,” ayuu yiri Nuur Xuseen oo ka mid ah ganacsatada suuqa.
Ganacsatada qaar ayaa sidoo kale sheegaya in badeecado ay ka dalbadeen dibadda, gaar ahaan Dubai, ay muddo ka badan 20 maalmood ku xayiran yihiin halkaas, taas oo si weyn u saameysay diyaar-garowgoodii ciidaha.
“Dagaalku si weyn buu noo saameeyay. Annagoo isku diyaarinaynay oo dalabyo dirsannay bartamaha Ramadaan ayaa dagaalku dhacay. Hadda alaabteennii Dubai ayay ku xayiran tahay, mana hubo inay soo socoto,” ayay tiri Hibo Xuseen oo ah ganacsato.
Xayiraaddaasi waxay keentay in qiimaha badeecadaha horey suuqa u yaallay uu sare u kaco, taas oo culays ku noqotay macaamiisha. Dadweynaha ayaa sheegaya in sicir-bararka iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee jira ay sii xumeeyeen xaaladda.
“Isbeddelka waxaa keenaya dhibaatooyinka ka jira Bariga Dhexe. Hore alaabtu way jabaneyd, lacag badanna suuqa way ku jirtay, balse hadda waxaa jira sicir-barar iyo dhaqaale xumo,” ayuu yiri Saadaam Xasan oo ka mid ah shacabka Muqdisho.