Soomaaliya (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro ay sheegtay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay ku qaaday kaabayaasha tamarta ee dalalka Sacuudiga, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarradaasi ay yihiin “xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” isla markaana ay khatar toos ah ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka Khaliijka iyo guud ahaan caalamka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay garab istaag buuxa oo ay hayso dowladaha iyo shucuubta Sacuudiga, Qatar, iyo Imaaraadka, iyadoo taageertay tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda iyo badqabka muwaadiniintooda.
“Waxaa jira baahi degdeg ah oo loo qabo dejinta xiisadda iyo in la xoojiyo wadahadalka,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo Soomaaliya ay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta marinada tamarta ee caalamka, maadaama ay dalka maraan marin-biyoodyo istiraatiiji ah.