Baydhabo (Dawan) – Erayga “guri kireysi” ayaa noqday mid shidaal kusii shuba xaaladda siyaasadeed ee Koonfur-galbeed ka taagan, iyadoo xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ay sare u sii kaceyso.
Labada dhinac ayaa warbaahinta iyo baraha bulshada isku weydaarsanaya eedeymo la xiriira arrimo siyaasadeed iyo amni.
Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ahaa mas'uulkii ugu horreeyay ee adeegsaday erayga “guri kireysi,” isaga oo ka hadlayay xilkiisa madaxtinimo iyo deegaanka, isagoo sheegay in dowladda federaalka ay ku lug leedahay qalalaaso ka jira deegaanada maamulkaas, isla markaana guri ay leedahay dowladda dhexe uusan kiro ugu jirin.
Hadalkan waxaa si degdeg ah uga jawaabay Wasiirka Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in heshiiska kirada gurigaas uu ku saabsanaa madaxtinimada Laftagareen, oo dhammaatay bishii December 19, 2022, wixii ka dambeeyayna uu xilka ku hayay isfaham.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Koonfur-galbeed aysan mar kale noqon doonin goob loo afduubo Farmaajo, isagoo xusay in doorasho qof iyo cod ah laga qaban doono deegaannada maamulkaas.