Addis Ababa (Dawan)- Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 30 qof ay ugu dhinten gobolka Gambella ee dalka Itoobiya gaajo iyo nafaqo darro.
Hay’adda ayaa ugu baaqday caalamka in si deg-deg ah loola soo gaaro gargaar cunto oo ku filan dadka kusoo barakacay gobolka Gambella
Gobolka waxaa soo gaaray ku dhawaad 400,000 oo qaxooti ah ilaa dhamaadkii bishii August, waxaana la joojiyay raashinkii gargaarka ahaa tan iyo bishii May qaybo ka mid ah xeryaha qaxootiga Gambella.
Dadka ayaa kasoo baxay kaamamkii qaxootiga kadib markii ay waayen wax ay cunaan, waxeyna dhinteen iyaga oo raadis ugu jira cunno, sida ay sheegtay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya
Hay’addu waxay intaas raacisay in joojinta cunnada gargaarka ay sababatay dhimashada dadkaan, waxeyna ka deyrisay xaaladda ay ku jiraan qaxootiga jooga gobolka Gambella kuwaas oo wajahaya duruuuf adag.



